Friday, April 19, 2024
HomeWararMadaxweynaha Kenya Oo Loo Soo Jeediyey Qorshe Uu Ku yareyn karo Askarta...

Madaxweynaha Kenya Oo Loo Soo Jeediyey Qorshe Uu Ku yareyn karo Askarta Looga Dilo Soomaaliya

Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa loogu baaqay inuu dib uga fekero Istaraatijiyadda Dagaalka ay Askarta Kenyanka kula jiraan Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab.

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka dalkaasi oo lagu magacaabo William Chepkut oo Talooyin u gudbiyey Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in Dowladda Kenya looga baahan yahay inay la timaado Istaraatijiyad Cuusb oo Qaran iyo in Qalab aad u sugi kara Ammaanka Ciiddanka loo daabulo Askarta Kenyanka ku sugan Somalia.

Xildhibaan William Chepkut oo ka qyb galay aaska Askari Kenyan oo bilowgi bishan lagu dilay Somalia waxa uu dareen xooggan ka muujiyey tirada Askarta Kenya kaga dhimanayso Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Ciiddanka Marakanka ka jooga Somalia xitaa aysan Somalia ka joogin  Ciiddan ka dagaalama dhulka.

Ciiddanka Kenya waxay ka mid yihiin Ciiddamo ka kala socda dhowr dal oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo kala ah  Jabuuti, Uganda, Burundi iyo Ethiopia.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe