Sunday, June 21, 2026
HomeWararMadaxweynaha Jubbaland oo Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kulan kula qaatay Muqdisho Safiir kuxigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, Siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalku uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne.

Safiir kuxigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Axmed Madoobe kulankooda iyo sida Madaxda Soomaalida ugu diyarsan yihiin la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa dhankiisa uga mahad celiyay dowladda Mareykanka taageerada hagar la’aanta ah oo ay siiso Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe