Friday, May 1, 2026
HomeWararMadaxweynaha Jubbaland” Maanta waxaan ku jirnaa Marxalad Madow”

Madaxweynaha Jubbaland” Maanta waxaan ku jirnaa Marxalad Madow”

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeyb galay shirka madasha Badbaadada Qaranka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howshan loo arkay inay xal ka noqon karto Xaalada cakiran ee Doorashada dalka, taas oo ilaa hada ay muuqato in aan lahaynin wado sax ah oo dalka lagu jihayn karo.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in loo baahan yahay in si rasmi ah loogu diyaar garoobo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha taagan iyadoo la eegayo danta Qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in madashan ay noqonayso mid jiho u bixisa dalka isla markana Xaalada halista ah ee uu ku jiro ka saarta.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay maanta ku socoto waddo mugdi ah, maadaama lagu fashilmay arimihii doorshooyinka dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe