Sunday, June 21, 2026
HomeWararGudahaMadaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland.

Warbaahinta Jubaland iyo mas’uuliyiin ka agdhow Madaxweyne Axmed Islaam ayaa baahiyay muqaal kooban oo dib ugu laabashadiisa magaalada Kismaayo isagoo muddo todobaadya ah ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Axmed Madoobe horey waxa ay Dowladda Federaalka ay ugu soo rogtay xayiraad dhanka safarada ah uusan dibadda uga bixi karin magaalada maadama ay Dowladda qaadacday doorashadii uu markale uu kasoo baxay Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa horey u diiday qorshaha Dowladda federaalka ee nidaamka Doorashada Qof iyo Codka ee Dowladda federaalka ay dooneyso inay ka hirgaliso guud ahaan Soomaaliya isagoona iskaga baxay shirkii ugu dambeeyay ee Madasha.

Labada dhinac Khilaafkoodi ilaa hadda ma jirto wax waan waan ka dhex bilaabay marka laga soo tago tiro ganacsato kasoo jeeda degaanada Jubaland oo isku daayay inay kala dhex galaan khilaafka Dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe