Saturday, April 18, 2026
HomeWararMadaxweynaha Hirshabelle oo walaac ka muujiyay arimaha Galmudug

Madaxweynaha Hirshabelle oo walaac ka muujiyay arimaha Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay Maamulkiisa inuu ka walaacsan yahay xaaladdaha ka taagan deeganada Maamulka Galmudug.

Waare wuxuu sheegay dadka reer Hirshabelle, gaar ahaan Reer Hiiraan inay ku tiirsan yihiin wadada dheer ee soo dhexmarta Maamulka Galmudug, islamarkaana haddii caqabado ay ka yimaadaan halis ay ku noqonayso Hirshabelle.

Waxa uu tilmaamay Siyaasadda Galmudug & arrimaha Doorashada inaysan wax shaqo ah ku laheyn, balse xaaladdaha taagan & saan saanta muuqata ay tahay mid Reer Hirshabelle, gaar ahaan reer Hiiraan culeys badan ku keenayso.

“Dadka ku nool Hirshabelle ama Hiiraan ku nool waxa ay wal wal ka qabaan aan la qiyaasi Karin, xaaladda murugan oo cakiran oo isku qasan oo ka taagan Galmudug, Koonfur inaga oo la tacaaleyna in Waqooyi naga xirmato ma yeelayno, wax Alle wixii ka qayb qaadanaayo in meeshaas tafaraaruq ka yimaado in lagu dagaalamo, inuu Shabaab soo galo in dad walaalo ah is dilaan oo Siyaasadeysan, anaga Doorasho wax nagama galin, Maamul & Axsaab wax nagama galin, jidkaasi waa dhuunteena.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe