Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka hadlay Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan tilaabooyinka ka dhanka Soomaaliya ay qaadaysay Kenya.
Waxaa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay ku howlan tahay sidii lasoo Afjari lahaa Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana dhibaatadda inta aysan sii ballaarin ay si wadajir ah u xalin doonaan.
Waxaa uu xusay in dowladdiisa ay horumar ka sameysay dhanka dib u heshiisiinta dalalka bariga Afrika, waxaana uu ugu baaqay labadda in ay soo afjaraan Khilaafkooda.
Hadalka Abiy Axmed ayaa yimid ka dib markii dhawaan dowladda Kenya ay soo rogtay xayiraado ka dhan ah Soomaaliya oo ku aadan dhanka Socdaalka.