Saturday, June 27, 2026
HomeWararMadaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedkw Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada  Hirshabeelle kadib safar uu ku joogay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka ahna kusimaha Gudoomiyaha  Mahad Xasan Cusmaan Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada Hay’addaha Amniga, Boqolaal dadweyne ah iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa intii kuu sugnaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka la qaatay Madax katirsan dowladda, Mucaaradka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe