Thursday, April 30, 2026
HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo maalmahaan safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka & Maamulka Galmudug ayaa Madaxweyne Qoor Qoor waxaa ay kusoo dhaweeyeen Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa imaanahihiisa Muqdisho waxaa uu kusoo aadayaa xilli la filayo in Teendhada Afisiyooni uu ka dhaco shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay shuruud ku xireen Shirka ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ee la filayo in dhawaan lagu qabto Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ay dalbadeen in shirka lagu qabto Madaxtooyada Soomaaliya uuna iclaamo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaato Madaxda Sare ee dowladda, isla markaana ay ka arrinsadaan sida loo wajahayo shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe