Tuesday, June 30, 2026
HomeWararGudahaBooliiska Soomaaliya oo gubay Dawooyin maandooriye ahaan loo adeegsado

Booliiska Soomaaliya oo gubay Dawooyin maandooriye ahaan loo adeegsado

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay dawooyin horay loogu qabtay Dekedda Muqdisho isla markaana la horgeeyay Maxkamad kuwaas oo loo adeegsado maandooriye ahaan.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska oo Warbaahinta kula hadlay goobtii lagu gubay daawooyinkaas ayaa sheegay in lacag dhan $20 oo doollar ay ku kacday daawooyinkaan oo loo adeegsanayay si baxsan caafimaadka.

Waxa uu tilmaamay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid looga hortagayo halista ku wajahdnayd Bulshada Soomaaliyeed maadaama dadka isticmaalla Dawooyinkaas ay dhibaatooyin xooggan gaystaan.

Dawooyinka la gubay waxaa kamid ah Kaniiniyaasha loo kala yaqaan Pregabalin oo sidoo kale loo garanayo Bilibil & Tramadol oo ah dawooyin loo isticmaalo xanuunnada xad-dhaafka balse sida qaldan ay u adeegsadaan dadka doonaya in ay jirkooda daroogeeyaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe