Addis Ababa – Maamullada Canfarta iyo Soomaalida ayaa ku dhawaaqay heshiis lagu xallinayo colaadaha ka taagan deegaannada muhiimka ah ee xuduudka iyadoo loo marayo wada-hadal nabadeed, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta.
Madaxweynaha Ismaamulka Canfarta Awel Arba iyo Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustfe Maxamed ayaa sheegay in mas’uuliyiin sarsare oo ka kala tirsan labada gobol iyo dowladda dhexe ay yeesheen wadahadalo la doonayo in xal waara looga gaaro xiisadaha taagan.
Maamulayaasha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in si wadajir ah loo ogaado sababaha keenay isku dhacyada iyo in la sameeyo xal wada jir ah.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawaan dagaalo gacan ka hadal ahi ay ka dhaceen gobolada xadka. 14 June, 2024, Hay’adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa walaac xooggan ka muujisay wararka sheegaya iska horimaadyo hubeysan oo soo cusboonaaday, khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka rayidka ah, iyo barakaca ka socda deegaannada xuduudka la wadaaga gobollada Canfarta iyo Soomaalida. EHRC waxay sheegtay in colaadahani ay sii kordhayaan ilaa 06 June, 2024.
Dhacdo aad u daran ayaa i ka dhacday degmada Adda Ado ee aagga Yangudi ee gobolka Canfarta. Dadka deegaanka ayaa Addis Standard u sheegay in maleeshiyaad ka soo jeeda deegaanka Sitti ee ismaamulka Soomaalida ay weerar ku qaadeen dad rayid ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho barakac iyo afduub. Colaadda ayaa lagu soo waramayaa in ay sidoo kale ku fiday deegaanada kale ee xuduudka.
Heshiiskani waxa kale oo uu daba socdaa isku dayo hore oo dib-u-heshiisiin ah, oo ay ku jirto heshiis xabbad-joojin ah oo lagu gaadhay Abriil 2024 iyada oo loo marayo wadahadal uu hoggaaminayo Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka EHRC waa ay qiratay dadaalladan iyadoo ku baaqday in la qaado tallaabo dheeraad ah oo lagaga hortagayo in ay sii xumaadaan lana ilaaliyo rayidka.

