Madaxtooyadda Villa Somaliya ee Muqdisho waxaa ka socda kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federalka Somaliya, waxaana looga hadlayaa xiisada Siyaasadeed ee Somaliya & Kenya ka dhex taagan.
Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa saaka soo gaaray Magaalada Muqdisho, kadib markii dowladda Kenya ay ka soo eriday dalkeeda.
Kulanka Villa Somaliya ka socda ayaa waxaa goobjoog ah madaxda ugu sareysa Dowladda Somaliya, Safiirka Kenya ee Somaliya Tarsan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, La taliyeyaasha dhanka arrimaha dibadda ee madaxda dalka.
Kulankaan ayaa madaxda waxa ay uga hadlayaan tallaabada ugu haboon ee Dowladda Somaliya uga jawaabi karto ficilka Dowladda Kenya ay ku kacday ee ah inay soo cayriday Danjrihii Somaliya ee Kenya u fadhiyay, sidoo kalena xiriirka Dilumaasiyadeed Kenya ay u jartay Somaliya.
Saacadaha soo socda ee illaa galabta ayaa la filayaa in dowladda Somaliya ay go’aano ka soo saarto Shirka ka socda Villa Somaliya ee madaxda uga arinsanayaan xiisada Kenya & Somaliya.
Kenya ayaa ku doodeysa in Somaliya ay ku xadgudubtay, kadib markii Dowladda Somaliya Shirkii London ay ku soo bandhigtay sahmin lagu sameeyay Baarista Shidaalka Somaliya.

