Sunday, March 23, 2025
HomeWararCiidanka Amisom oo qarax qasaare geystay lala beegsaday

Ciidanka Amisom oo qarax qasaare geystay lala beegsaday

Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-kontorool Balcad ee Wadada Warshadaha gobolkan Banaadir,waxaana sida lasheegay lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo Ciidamada Amisom oo wadada maraayay, waxaana qaraxa kadib xigay rasaas xoogan oo Ciidamada Amisom ay fureen.

Lama oga khasaaraha dhimashada & dhaawaca ee ka dhashay qaraxaasi & rasaasta Ciidamada Amisom ay fureen, balse dadka deegaanka ayaa sheegaayay inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxa.

Wadada Warshadaha oo Ciidamada Amisom isticmaalaan, ayaa qaraxyo miino halkaasi lagula eegta, iyadoo todobaadkii hore laba qarax miino Ciidamada Amisom lagula eegtay nawaaxiga Warshadii hore ee Baastada Degmada Yaaqshiid.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe