Friday, February 14, 2025
HomeWararMaareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar Oo Xaaskiisa Ku Dilay Jowhar

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar Oo Xaaskiisa Ku Dilay Jowhar

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa xalay xaaskiisa ku dilay magaaladaas.

Haweeneyda Geeriyootay ayaa lagu magacaabayay Jamiilo Sheekh Cali,waxaana ay ahayd 32 jir Uur lahayd.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Hantiwadaag ee Magaalada Jowhar,waxaana dilka kaddib uu Maareeyaha isku dayay in uu baxsado,waxaase gacanta ku dhigay Ciidamada Amaanka Magaalada Jowhar.

Maareeyaha ayaa hadda ku xiran Saldhigga Booliska Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleedka Hirshabeelle.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe