Thursday, April 24, 2025
HomeWararIn Ka Badan 20-Ruux Oo Ku Geeriyootay Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida

In Ka Badan 20-Ruux Oo Ku Geeriyootay Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida

Ugu yaraan 22  Qof ayaa geeriyooday halka ay 28 kale ku dhaawacmeen kaddib dagaal maalmihii la soo dhaafay dhexmarayay Oromada iyo Soomaalida.

Dagaalkii ugu dambeeyay waxaa uu ka dhacay degaanka Tulli Guuleed lagu magacaabo halkaas oo uu ka dhashay khasaare baahsan.

Billowgii Bishan waxaa Maagaalada Mooyaale ku dhintay dad ka badan 20 qof oo labada dhinac ah kaddib dagaal dhemarayay muddo saddex maalmood oo xiriir ah.

Dagaalkaas ayaa waxaa lagu gubay Guryo,Iskuullo iyo Xafiisyada Dowladda waxaana markii dambe tahay Ciidanka Federaalka ah.

Soomaalida ayaa ku eedeynaya ismaamulka Oromada in ay wadaan dhul ballaarsi iyaga oo ka faa’ideysana awooddooda sare ee dowladda Federaalka ah.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay boqolaal qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay halka kumanaan ay ku barakaceen dagaallo dhexmarayay Oromada iyo Soomaalida,waxaana markii hore uu dagaalka ka billowday Ciidankii Liyuu Boolis ee Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida oo lagu eedeeyay in uu dhibaateyn jiray dadka Oromada ah.

Dagaallada hadda socda oo ay inta badan qaadaan Malleeshiyo Oromo ah ayaa la sheegayaa in ay ula jeedaan dhul ballaarsi iyo waxa lagu tilmaamay aargoosi.

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, iyo Dowlad Goboleedyada Soomaalida iyo Oromada ayaa heshiis ku kala saxiixday maagalada Adis ababa kaas oo lagu doonayay in lagu joojiyo colaadda labada dhinac laakiin wali ma uusan dhaqan gelin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe