Friday, May 1, 2026
HomeWararMaamulka Gobolka Gedo oo ka hadlay weerar lagu dhaawacay Taliye Ciidan{AKHRISO}

Maamulka Gobolka Gedo oo ka hadlay weerar lagu dhaawacay Taliye Ciidan{AKHRISO}

Maamulka Gobolka Gedo ayaa cambaareeyay weerarkii qaraxa ahaa oo ay  Al-Shabaab la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo safar dhulka ah ku marayay deegaanka Yaxaaslow oo hoostaga Degmada Luuq, kolonyadaas oo uu hoggaaminayay taliyaha Ururka Dulmi-Diid ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Labo Xidigle C/risaaq Maxamed Daa’uud, isla markaana uu ku dhaawacmay Taliyaha.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada  ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

“Waxaana ugu baaqay Shacabka Gobolka Gedo inay ku kalsoonaadaan Maamulkooda iyo Hay’adaha Amniga, waxaan ka dalbaneynaa in at xogta Argagixisada ay la wadaagaan Hay’adaha Amniga, waxaan wacad ku marayaa in Gedo ay noqon doonto meel ka caagan Nabad-diidka ayaa lagu yiri” qoraalka Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Geso.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe