Goor Dhaw Garoonka Diyaaradaha magaalada cadaado Ee Xarunta Baarlamanka Maamulka Gal-mudug Waxaa Gaaray Wefdi Uu Hoggaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi.
Wefdiga Madaxweyne Ku Xigeenka Waxaa Qayb Ka Ah Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Gal-mudug Cali Gacal Casir Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Gal-mudug.
Garoonka Diyaaradaha Ee Cadaado Waxaa Wefdiga Si Aad Ah Ugu Soo Dhaweeyey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gal-mudugm, Maamulka Degmada Cadaado Iyo Qaar Ka Mid Ah Ururada Bulshada Ee Cadaado.
Weli Waxaa Jira Khilaaf Ku Saabsan isku Dhafka Maamullada Gal-mudug Iyo Ahlu-sunna Oo Ka Dhex-aloosan Madaxda maamulka Gal-mudug Inkastoo Ay Xusid Mudan Tahay In Shalay Madaxweyne Xaaf Uu ka Degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-gaduud Ahna Caasimadda Maamulka Gal-mudug