Sunday, January 19, 2025
HomeWararHowlgal hub lagu soo qabtay oo laga sameeyay Muqdisho

Howlgal hub lagu soo qabtay oo laga sameeyay Muqdisho

Sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka caasimadda Muqdisho, howlgal hub lagu soo qabtay ayaa xalay laga sameeyay Degmada Warta nabadda.

Ciidamada Ammaanka ayaa sidoo kale soo qabtay dadkii watay hubkaasi sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka.

Ciidamada Ammaanka ayaa Hawlgalkaasi ka sameeyay  Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Warta Nabadda, waxaana halkaasi lagu soo qabtay laba Bistooladood.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu mahad celinaayo tallaabada ciidamada ammaanka Muqdisho ay ku soo qabteen hubkaan.

Tuulax ayaa digniin u diray shaqsiyaadkahubka ku dhex wata Magaalada gudaheeda ee haddana aanan haysan aqoonsiga, wuxuu sheegay dadkaasi inay u aqoonsanayaan kuwa qal qalgelinaya ammaanka Magaalada.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe