Tuesday, September 26, 2023
HomeWararDibaddaLiibiya oo weli laga baadi-goobayo Dadkii lagu waayay Daadadkii ku rogmaday Magaalada...

Liibiya oo weli laga baadi-goobayo Dadkii lagu waayay Daadadkii ku rogmaday Magaalada Derna.

Kooxaha gurmadka degdega ah ee ka howlgallada Dalka Liibiya ayaa weli raadinaya Dadka lagu waayay Daadadkii ku rogmaday Magaalada Xeebta ku taal ee Derna dhibaatada weyn gaarsiiyay Dadkii halkaas degenaa.

Saraakiil katirsan Kooxahaas gurmadka wada ayaa rejo ka muujiyay in ay soo helaan dadka la waayay oo lagu tuhmayo in ay ku hoos jiraan dhismaha dumay ee Magaalada Derna, waxa ay adeegsanayaan qalabka codka lagu maqlo.

Madax kala duwan oo Qaramada Midoobay katirsan ayaa lagu wadaa in ay booqdaan Magaalada Derna si ay usoo qiimeeyaan inta uu gaarsiisan yahay dhibaatada ka dhalatay daadadkii ku rogmaday magaaladaas.

Shalay waxa ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee hoostaga Qaramada Midoobay loona soo gaabiyo WHO ayaa ka digtay in xabaal-wadareed lagu sameeyo dhowr iyo tobanka kun ruux ee ku dhintay Daadadkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe