Tuesday, September 26, 2023
HomeWararDibaddaDowladda Soomaaliya oo balanqaad usameysay dadka degan Bacaadweyn

Dowladda Soomaaliya oo balanqaad usameysay dadka degan Bacaadweyn

iidanka dowladda oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa shalay kooxda As  kala wareegay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda a Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan, oo qeyb ka ahaa howlgalka lagu xureeyay Bacaadweyn ayaa sheegay in uu sii soconayo dagaalka ka dhanka ah kooxda As.

Waxa uu sheegay wasiirka in dagaalka dalka looga saarayo As uu soconayo inta madaxweynaha uu xiran yahay tuutaha uuna joogo jiida hore, waxa uuna ku baaqay in loo istaago cirib-tirka As.

Dhanka Kale, wasiirka oo ku sugan deegaanka Bacaadweyne ayaa sheegay in dowladda diyaar la tahay sidii dhinacyo badan looga caawin lahaa shacabka Bacaadweyn, waxa uuna ugu baaqay dadka magaalada ka qaxay in ay dib ugu soo laabtaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ka hir-galineyso Bacaadweyn adeegyada aasaadsiga ah ay dadku u baahan yihiin, waxa uuna shacabka deegaanka dhankooda ugu baaqay in ammaanka deegaanka adkeestaan kana hortagaan dhagarta cadawga .

Deegaanka Bacaadweyn iyo deegaannadii kale ee As laga saaray ayaa inta badan waxaa isaga qaxay shacabkii ku sugnaa, waxaana adkaata in dadka shacabka si deg deg ah ugu soo laabtaan deegaannada As  laga saaro.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe