Sida Ay Sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen labo Wiil oo dhalinyaro ah.
Wararka Qaar Ayaa sheegaya In Kooxo hubeysan ayaa toogtay labadaasi dhalinyarada ka dibna Waxaana la sheegay in ay Baxsadeen.
Waxaa ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Ay La Hadashay Codka Gobolada Dhexe Ayaa Sheegay in Dhalinyaradan ay ka shaqaysan jireen Busteejada Suuqa Bakaaraha oo gaadiidka Bi,elka ay ka qaadi jireen lacagta Busteejada.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.
Waxaa muuqata in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, maadaama sida muuqata maalin walba ay magaalada ka dhacaan dilal loo geysanayo dad shacab ah iyo askarta dowladda ka tirsan.