Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle, kuwa Nabadsugida iyo kuwa Guutada 3aad ee qeybta 27aad ayaa markale howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Jowgar waxaa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayay.
Howlgalka ayaa waxaa uu ahaa mid Ciidamada ay guri guri ku baarayeen, waxaana Goobo lagu sameeynayay Maandooriyaha Xashiishka iyo khamriga ay kasoo saareen Ciidamada.
Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar Bashiir Xasan Xalafooy ayaa sheegay in howlgalka ay kusoo qabteen Haweeneeyda mas’uulka ka ah Guriga lagu haayay Xashiishka & Khamriga, Gaariga Khamriga lagu keenay iyo Shaqsi kale.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka ka dhanka ah waxyaabaha maanka dooriya ay sii wadi doonaan, isla markaana dadka ay kusoo qabtaan amaxkamad la tiigsan doonaan.
Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamulada kahira dalka ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah maandooriyaha xashiishka iyo khamriga, waxaana ay burburiyeen goobo lagu farsameeynayay maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

