Friday, March 29, 2024
HomeWararLaamaha Amniga Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Maanta Dil Geystay

Laamaha Amniga Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Maanta Dil Geystay

Ciidanka ammaanka maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah oo saakay Nin Caan ka ahaa gudaha Caasimadda Galmudug ku dilay duleedka Magaaladaas.

Ciidanka amniga oo saacadihii lasoo dhaafay waday howlgal qorsheysan oo lagu doonayay in raggaas lagu soo qabto ayaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay raggii hubeysnaa ee dilay Ninka oo sida la sheegay ahaa qof Caanka ah Dhuusamareeb.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi Cabdullaahi Caabi Cali Afrax, isla markaana waxaa uu kamid ahaa ragga dhulka ka Ganacsada ee loo yaqaano dadaalka, kaasi oo duhurnimadii la aasay.

Ragga lasoo qabtay ayaa waxaa lagu xiray mid kamid ah Saldhiyada ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana la sheegay in la horgeyn doono Maxkamadda, haatana ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

Israsaaseyn muddo kooban socotay ayaa saakay rag hubeysan oo maleeshiyaad ku dhexmartay duleedka Dhuusamareeb, kaasi oo uu ku dhintay Marxuum Cabdullaahi Caabi, waxaana israsaaseynta ay ka dhalatay muran la xiriira arrimo dhul.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe