Home Warar Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo u baaqday sababo Amni

Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo u baaqday sababo Amni

44

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dib u dhigay kulankii maanta oo sabti ah ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

“Waxaa dib loo dhigay kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ay ku balansanaayeen.Kulanka ayaa la qabandoonaa maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 21 August sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa loo baajiyay sababo amni oo la xariirta weerarka AlShabaab ku qaadeen Hoteelka Xayaat oo wali ka socda.

Kulanka maanta ayaa lagu dhaarin lahaa madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo