Home Warar Kulamo looga hadlayay khilaafka doorashada oo ka dhacay Muqdisho

Kulamo looga hadlayay khilaafka doorashada oo ka dhacay Muqdisho

87

Xarunta Madaxtoooyada ee Villa Soomaaliya waxaa kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, kulamada ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha khilaafka ka taagan doorashada.
Shirka oo muddo saacado badan ah socday ayaa waxaa markii dambe ku biiray taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin, waxaana kulanka ay diirada ku saareen Arrimaha doorashooyinka iyo xal u helida caqadaha ku hor gudban hirgelinta hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay.

Madaxda ayaa sidoo kale wararka aan helnay ay sheegayaan inay isla garteen in kulamada la sii wado six al looga gaaro khilaafka doorashada maadaama mudada xilheyta Madaxda Dowladda Soomaaliya uu geba-gabo yahay.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in mabda’ ahaan ay dowladdu aqbashay in wax laga bedelo Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, waxaana Musharaxiinta Mucaaradka laga dalbaday inay soo gudbiyaan liiska xubnaha ay doonayaan in la bedelo, iyadoo muddo saddex cisho oo laga sugayay inay liiska ku soo gudbiyaan ay xalay ku eked.
Dhinaca kale waxaa qabsoomay kulan u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Saacadaha soo socda ka hor duhurkii ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay faah faahin ka bixiso waxyaabaha kasoo baxay kulamadii ka dhacay Madaxtooyada iyo sida laga yeelayo khilaafka kajira doorashada.