Home Warar Kulamo gooni gooni ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Kulamo gooni gooni ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe

127

Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay madaxda Dowlad goboleedyada, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya , iyada oo sidoo kale kulanka uu qyeb ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar)
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada iyo sidii caqabadaha jira xal loogu heli lahaa, waxaana xusid mudan in markii ugu horreeysay in kulankas ay ka qyeb galaan guddoomiyaha Aqalka Sare & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo isku khilaafsan Arrimaha doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Wararka Garoowe laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Mas’uuliyiinta kulmay ay Guddi u saareen sii wadida kulamada si looga gudbo khilaafka dhanka doorashada.
Sidoo kale Masu’uuliyiinta ku sugan magaalada garoowe ayaa waxaa ay yeesheen Kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayay xalka gaarsita Arrimaha doorashooyinka maadaama ay jiran xubno siweyn uga soo horjeeda guddiyada doorashooyinka oo ay Magacaawday Xukuumadda Soomaaliya.