Thursday, August 6, 2026
HomeWararDibaddaKowda Agoosta maalin Soomaaliya siyaabo kala duwan looga xuso{AKHRISO}

Kowda Agoosta maalin Soomaaliya siyaabo kala duwan looga xuso{AKHRISO}

Bisha Agoosta oo tirsiga bilaha sanadka kaga jirta bisha 8aad ayaa maalinta ugu horreysa oo ku beegan maanta oo kale ayaa guud ahaan Soomaaliya lagaga xusaa siyaabo kala duwan, iyada oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay Maamulka Puntland oo ah maamulkii ugu horreeyey ee ka dhisma Soomaaliya.

Puntland waxaa la asaasey sanadkii 1998-kii, kaddib shirweyne loo fadhiyey muddo bilo ah oo ka dhacay Garoowe, waxaana ku heshiiyey ergooyin ka socdey gobolada Bari, Nugaal, Waqooyiga Mudug, Sool iyo Sanaag oo laga reebay Galbeedkiisa iyo weliba deegaanka Buuhoodle oo ka tirsanaa gobolka Togdheer.

1-da Agoosto 1998-kii waxa ay ahayd maalintii la dhamaystiray Maamulka Puntland ee la soo xulay Xildhibaanada ku yimid hab-qaybsiga gobolada, kaas oo maanta u dabaal dagaya sanad guuradii 25aad ee ka soo wareegatay kolkii lagu dhawaaqay magaca Puntland.

Sanad guurada sanadkaan ayaa ka duwan kuwii hore iyada oo ay ku soo aadayso xilli Maamulka uu hoggaamiye ka yahay Saciid Deni wajahayo cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanaya mucaaradka, kaas oo salka ku haya habka ay u dhacayso doorashada loo madal san yahay in ay qabsoontaya bilowga sanadka inna soo aadan.

Madaxtooyada Puntland ayaa sanadkaan si aan horay loo qaban sanad guurada u qaban qaabisay, iyada oo dhoolatus Ciidan lagu sameeyey Magaalada Garoowe oo ah xarunta dowlad gobaleedka Puntland, waxaana ka soo qeyb galay dhoola tuskaan Madaxweynaha maamulkaas iyo ku xigeenkiisa.

Sidoo kale 1-da Agoosta ayaa ku beegan maalintii uu dunida ka tagay Alle ha u naxariiste Gen. Maxamed Faarax Caydiid, kaas oo dhintay maanta oo kale sanadkii 1996-kii, iyada oo laga jooga geeridiisa 27 sano.

Geerida Gen. Caydiid ayaa laga xusaa gudaha Soomaaliyada, xilli uu Gen. uu ka mid ahaa saraakiishii horkacaysay dagaalkii Muqdisho ka dhacay kaas oo xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Sidoo kale kowda Agoosta ayaa ku beegan maalintii uu geeriyooday Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Maayarkii Muqdisho Eng. Craxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo July 24, 2019-kii ku dhaawacmay Qarax ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar kaas oo markii dambe uu u geeriyooday August 1, 2019-ka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in xukuumadda ay ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroordiiq ah, iyada oo markii dambe aas Qaran loogu sameeyey Magaaladii uu Maayarka ka ahaa ee Muqdisho.

Dowladdii hore ayaa maamus u sameesay Guddoomiye Yariisow, iyada oo markii dambe loogu magacdaray garoonka koonis oo loo baxshay Eng Yariisow, si loo xasuusto Guddoomiyahay, walow aysan reerkiisa aysan helin cadaalad.

Allle ha u naxariistee Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Siyaasadda Soomaaliya ku lug lahaa ku dhowaad 15kii sano ee ugu dambeysay. Wuxuu billaabay in arrimaha siyaasadda uu ka shaqeeyo xilligii uu ku noolaa magaalada London ee dalka Britain.

Wuxuu sannadkii 1986-dii ka qalanjebiyay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, isagoo bartay culuumta handasada. Markii uu jaamacadda dhammeeyay illaa sannadkii 1991 wuxuu ka shaqeeyay Wasaaraddii howlaha guud iyo guriyeynta iyo wasaaraddii Maaliyadda oo uu u ahaa Injineer iyo maamule mashaariic.

Waxa uu soo noqday afhayeenka muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo sidoo kale soo noqday laba jeer Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyada uu ka noqday xilliyadii dalka Madaxweyne ay ka kala ahaayeen Shariif iyo Farmaajo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe