Tuesday, May 5, 2026
HomeWararKhasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Suuq Boocle ee D/ Dharkeenleey

Khasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Suuq Boocle ee D/ Dharkeenleey

Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa Barqanimadii Maanta wwxaa uu ka kacay qeyb kamid ah Suuq Boocle oo ku yaal degmada Dharkeenleey ee Gobolkan  Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dabka uu ka dhashay koronto, isla markaana uu baabi’iyay dhowr dukaan oo kuyaal Suuq Boocle, iyada oo Maanta inta badan Suuqa uu xirnaa maadaama ay jimce tahay.

Mif kamid ah Ganacsatada Suuq Boocle ayaa Risaala u sheegay in Ganacsatada qaarkood iyo Maamulka degmada oo iskaashanaya ay ku guuleysteen inay demiyaan dabka.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale uu dab uga kacay Suuq Boocle ee degmada Dharkeenleey, isaga oo baabi’iyay dhowr dukaan oo ku yaalla Suqaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe