Sunday, April 20, 2025
HomeWararKhasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Nairobi Oo Kordhay

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Nairobi Oo Kordhay

Dowladda Kenya ayaa xaqiijiysay in ay kordheen dadka ku dhintay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka  lagu raaxaysto ee DusitD2 oo ku yaalla Galbeed Magaalada Nairobi.

Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in hadda ay hayaan meydadka 21 qof oo uu ku jiro Askari Boolis ah oo ka tirsanaa Ciidankii loogu tala galay sugitaanka Ammaanka goobta uu weerarku ka dhacay.

“Waxaan dooneynaa in aan xaqiijino in Caawa lix mayd oo kale ayaa laga helay goobtii la weeraray, hal askari oo bilays ah ayaa si lama filaan ah ugu geeriyooday dhaawacyadiisa,”ayuu u sheegay wariyeyaasha Mr Boinett.

Waxaa uu sheegay Ilaa iyo haatan in la la’yahay 19 qof, islamarkaana ay wali waddaan baaritaano.

Taliyaha ayaa xusay in dadka dhintay ay ahaayeen 16 Kenyaan ah, hal British ah, hal Ameerikaana,islamarkaana  dhalashada saddexda soo hartay  aan weli la xaqiijin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe