Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxana xubnaha guddiga joogtada ay go’aamiyeen in 27 bishaan Maarso oo ku beegan Maalinta Arbacada in uu si rasmi ah u furmo kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo mudo laba bilood ah fasax ku jiray ayaa waxaa horyaalla Ajandooyin dhowr ah oo u baahan inay ansixiyeen iyo ka hadlida xaalada dalka.