Home Barnaamijyo Jubbaland ayaa sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata xariga lagu sii hayo...

Jubbaland ayaa sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata xariga lagu sii hayo Wasiirka amniga Jubbaland ay masuuliyaddiisa qaadi doonto Dowladda Soomaaliya

150

Jubbaland ayaa sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata xariga lagu sii hayo Wasiirka amniga Jubbaland ay masuuliyaddiisa qaadi doonto Dowladda Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada Jubbaland oo uu guddoominayay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa war laga soo saaray waxaa lagu yiri sidaan:

Golahu uu cambaareeyay xadhiga Sharci darada ah ee Dowlada Federaalka ah ay kula kacday Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyadoo bilo kahor ay Maxkamada Gobolka Banaadir ay sheegtay in la laalay dacwadii ka taalay waxaa golahu uu sheegay in cawaaqibka ka dhasha Falkaas sharciga ka fog ay masuuliyadiisa qaadayso Dowlada Federaalka ah.

Waxaa kale oo golahu uu ka hadlay Xayiraada dhinaca duulimaadyada shacabka ah ee Dowlada Federaalku kusoo rogtay dadka ree Jubbaland waxaana howshaas iyo xariga wasiirka Amniga loo Xil saaray gudi ka kooban Todobo Wasaaradood iyadoo gudigan la faray in ay xal rasmi ah ay yimaadaan oo culayska lagaga qaadayo dadka shacabka ah.