Tuesday, March 18, 2025
HomeBarnaamijyadaDEG DEG: Ahlusuna oo dalbatay in la siiyo gudiigga doorashada Galmudug iyo...

DEG DEG: Ahlusuna oo dalbatay in la siiyo gudiigga doorashada Galmudug iyo Khilaaf cusub oo soo baxay. Kulan aan caadi aheyn ayaa waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Hoggaanka Ahlusuna.

DEG DEG: Ahlusuna oo dalbatay in la siiyo gudiigga doorashada Galmudug iyo Khilaaf cusub oo soo baxay.
Kulan aan caadi aheyn ayaa waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Hoggaanka Ahlusuna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in hoggaanka Ahlusuna ay R/Wasaare Kheyre ka dalbadeen in la siiyo guddiga doorashada Maamulka Galmudug, iyadoona arintaasi uu ka biiyo diiday R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Muran xoog leh ayaa ka dhashay arinta ku aadan codsi ka yimid Ahlusuna, iyadoona haatan khilaaf cusub uu soo kala dhex galay xubnaha Dowladda eek u sugan Dhuusamareeb iyo hoggaanka Ahlusuna.

Hoggaanka Ahlusuna ayaa ku doodaya in la siiyo xubnaha ugu badan ee guddiga doorashada ee Galmudug, ,maadaama ay ku andacoonayaan in dowladda federaalka soomaaliya ay hada guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega galmudug ay iyada haysato.

Khilaafkan cusub ee soo ifbaxay ayaa maanta laga dareemayaa deegaanada galmudug, iyadoona sababaha ugu weyn ee shirka uu baaqday uu yahay tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusuna.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka cusub ee soo kala dhex galay hoggaanka Ahlusuna iyo R/Wasaaraha Soomaaliya.
Dad badan ayaa qabo in arintan ay curyaamin karto inuu furmi waayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

 

Tooxoow

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe