Saturday, March 22, 2025
HomeWararJabuuti & Itoobiya oo Somaliland ka taageeraya la dagaalanka Ayaxa

Jabuuti & Itoobiya oo Somaliland ka taageeraya la dagaalanka Ayaxa

Dowladaha Jabuuti, Itoobiya & Maamulka Soomaaliland ayaa iska kaashana la dagaalanka Ayaxa oo dhibaayooyin farabadan ku haaya Beeraleyda, kaas oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in ay la dagaalanka Ayaxa la kaashanayaan dalalka Jabuuti iyo Itoobiya si ay uga guuleystaan.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka biyaha, beeraha, xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga dowladda  Jabuubti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) ayaa degmada Tog-wajaale oo ku taalla xaduudka waxaa ay kula kulmeen Wasiirka Beeraha Soomaaliland oo booqasho halkaasi ku tegay, iyaga oo isku raacay sidii wadajir loola dagaalami lahaa Ayaxa.

“”Safarkeyaga  waxaa uu ahaa indha indhayn la xiriirta Ayaxa oo dhibaatooyin badan nagu haya, oo aan ka wada hadalnay, dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, islamarkaana ka wada hadalnay wasiirka deegaanka iyo beeraha ee DDSI, in wax ka qabashada Ayaxa oo fara ba’an ku haya beeralayda Somaliland iyo dhinaca Itoobiya ayuu yiri” Wasiir Axmed Muumin Seed.

Wasiirka Wasaaradda beeraha iyo biyaha ee waddanka Jabuuti ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Jabuuti ay kaalinteeda ka qaadan doonto la dagaalanka Ayaxa,maadaama uu si guud u saameeyay Soomaaliland iyo Jabuuti.

Deegaano badan oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa beero ku yaalla ku habsaday Ayax farabadan, iyada oo Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in ay dardar gelin dooto la dagaalanka Ayaxa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe