Madaxweynaha hadda talada haya ee Mauritania Mohamed Ould Cheikh El Ghazouani ayaa ku horreeya natiijada hordhaca ah ee doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday Sabtidii, isagoo helay 42% codadka la tiriyay.
El Ghazouani ayaa ku hogaaminayay tartanka isagoo helay 53% codadkii la dhiibtay, sida laga soo xigtay tirokoob ay goor hore oo Axad ah ku dhawaaqeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka (CENI) ka dib markii ay tiriyeen in ka badan 42% codadka.
Kaalinta labaad waxa galay musharraxa mucaaradka Biram Dah Abeid oo helay 22%, waxaana ku soo xiga Hamadi Ould Sid’ El Moctar oo ah hogaamiyaha xisbiga National Rally for Reform and Development Party, oo helay 13%. Xildhibaan El-Aid Ould Mohamedan ayaa galay kaalinta afaraad isagoo helay 3%.
Guddiga ayaa sheegay in codadka la tiriyay 1,879 ka mid ah 4,503 goobood oo dalka oo dhan ah, taasoo u dhiganta 42.51% wadarta guud.
Guddiga doorashada ayaa la filayaa in gelinka dambe ee Axadda ay ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxweynaha.
Dadka reer Mauritania ayaa Sabtidii bilaabay inay codkooda dhiibtaan si ay madaxweyne cusub uga dhex doortaan 7 musharax.
Dalkan Afrika ku yaala waxaa ka diiwaan gashan 1.9 milyan oo codbixiye ah oo ay ku nool yihiin ilaa 4.5 milyan, sida lagu sheegay tirokoobyada guddiga.
Haddii mid ka mid ah musharrixiinta uu awood u yeelan waayo inuu helo aqlabiyadda, labada musharrax ee ugu sarreeya waxay geli doonaan wareeg labaad 13-ka July.

