Saturday, May 16, 2026
HomeWararGudahaItoobiya oo sheegtay in ay Somaliland kala hadashay Amniga Badda Cas

Itoobiya oo sheegtay in ay Somaliland kala hadashay Amniga Badda Cas

Madaxweynaha Somalilanad, Cabdiraxmaan Cirro ayaa la kulmay Diblumaasiyiinta Safaaradda Itoobiya ee dalka Jabbuuti, xilli dhawaan uu safar ku tagey dalkaasi.

Mr Cirro ayaa la kulmay Diblumaasiyiinta  uu hoggaaminayo Danjire Ku-xigeenka Itoobiya u fadhiya Jabbuuti, Kebede Abera Ido, isaga oo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga Badda Cas iyo marinada Ganacsiga.

Danjire Ku-xigeenka Itoobiya ee Safaaradda Jabbuuti ayaa sheegay in ay xoojinayaan xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan iskaashiga Amniga iyo Ganacsiga.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Itoobiya ay ka laabatay heshiis muran badan dhaliyay oo 1 bishii Janaayo ee sannadkii 2024 la gashay Maamulka Somaliland, kaasi oo ay sheegtay in bad looga kireeyay.

Itoobiya ayaa muddo dheer raadineysa bad ay hesho, si ay ugu soo marto badeecada uga timaada dalalka Caalamka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe