Fadeexad ayaa ka taagan isdiiwangelinta ka soco magaalada muqdisho qof kasta oo la soo qafaalo waxaa laga buuxinayo hal foom sidoo kale uu jiro foom kale oo qofka lagu qasbayo inuu saxiixo suulkana saaro markii kooxda qafaalka ee Xasan la waydiiyana ay diidayaan in ay sheegaan kaas oo ah kan ay doonayaan in ay hadhoow ku dhajiyaan sawirka musharaxa ay rabaan iyaga oo oranaya “Hebel Hebel wuxuu u codeeyay musharax Xasan ama musharax hebel oo golaha deegaanka u sharraxnaa “hadde waa adigii foomka lahaa oo aan ogeyne la soco.
Mid ka mid ah shacabka kunool magaalada muqdisho ayaa yiri’ sidaan niyow waxa magaalada ka jira qafaal wa dhaafey ilaa hada waxa aan ka fikirayaa magaca aan u bixin lahaa shalay waxaa aan goob jooga ahaa niman xamaali ah gaari kuntedhar bakaaro dejinaayo in loo yimid aya waxaa lagu amrey in ay isdiwaangaliyaan mid ka mid ah xamaaligi ayaa ku dooday in uu mar hore is diwaan galiyey 4 nin inta ay isku tageen ayaa la garaacay ilaa isbitaal loo qaado waxa dadka dhibkas ku haayo wa nabadsugida dharcadka ah ee magaalada muqdisho.
Muuqaal muujinaya dhallinyaro la soo qafaalay oo xoog lagu diiwaan gelinayo xilli habeen ah iyada oo Ulo geesahaha lagala taagan yahay.
Goobta lagu diiwaan gelinayo maahan xarumihii diiwaan-gelinta ee waa goobo qarsoon, jiingado ah oo la geeyo dadka habeenkii la soo qafaalo.
Gabbood fallaadaan waxaa geysanaya oo Xasan u fulinaya labo muwaadin oo dhalasha mareeykanka heysata sida dadka magaalada muqdisho u sheegeen warbaahinta.
Muwaadinkaan suulkiisa iyo saxiixiisa ayaa laga qaatay laakiin waxa foomkiisaan lagu buuxin doono iyo qofka looga codeeyn doono isagu ma oga sidoo kale saacaddii la rabo ayaa hadana mar kale la soo qafaali karaa oo foom kale laga buuxsan karaa.
Dadka magaalada muqdisho kunool qaarkood ayan ila iyo hada ku wareersan sida ay wax u socdaan.

