Friday, February 14, 2025
HomeWararIsbedel Lagu Sameeyay Qayb Ka Mid Ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska G/banaadir

Isbedel Lagu Sameeyay Qayb Ka Mid Ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska G/banaadir

Taliska Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa Isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska Saldhigyada Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha qaabilsan qaybaha Ciidanka.

Taliska ayaa xilka ka qaaday Taliyeyaasha saldhigyadda  Degmooyinka Yaaqshiid, Dharkiinley, Hawlwadaag iyo Heliwaa , waxaana uu taliyeyaal cusub oo Boolis ah loo magacaabay degmooyinkaasi.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday  Taliyihii qaybta Galbeed ee Booliska Qaasim Axmed Rooble, waxaana xilkaasi loo dhiibay Sarkaal lagu magacaabo Xundubey oo ahaa Ku xigeenka Qaasim Axmed Rooble.

Taliyihii Saldhiga Degmada Heliwaa Khaliif Ilkacase oo xilkaasi laga qaaday ayaa loo dalacsiiyay inuu noqdo Taliye qayb ka tirsan Ciidamada Booliska.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe