Sunday, June 28, 2026
HomeDhageysiDhageyso:- Xiisad Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Waqooyiga G/Gal-Gaduud

Dhageyso:- Xiisad Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Waqooyiga G/Gal-Gaduud

Nabadoon Cabdul Soofe Faarax Oo ka Mid Ah Wax-Garadka Dadaallada nabadeed ka Dhex-Wada Beelaha Ku Dagaallamay Galbeedka Degmada Balan-Bale Ayaa Sheegay In Weli Ay Taagan Tahay Cabsi Laga Qabo In Mar Kale Dagaalku Dib U Qarxo.

Nabadoonka Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Waxa Uu Xusay In Deegaanka Ay Isku Hor Fadhiyaan Labada Ciidan Mar Walba La Filan Karo Dagaal Mar Kale Ka Qarxa Deegaanka.
Waxa Uu Tilmaamay In Aysan kala Dhex-Gelin Labada Ciidan Balse Ay la Hadleen Odayaasha Iyo Wax-Garadka Ku Sugan Degmooyinka Dhuusa-mareeb, Cabdud-Waaq Iyo Guriceel Isla-markaana Ay Kala hadleen Sidii Dagaalkaasi Loo Joojin Lahaa.
Balse Cabdul Soofe Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Aysan Jawaab Fiican Ka Helin Wax-garadkaas Marka Laga Reebo In Ay Diyaar U Yihiin Baajinta Dagaalkaasi Sida Uu Sheegay Nabadoonka.
Ugu DambeynNabadoonka Waxa Uu carrabka Ku Dhuftay In Ay Taagan Tahay Casbi Tii Ugu Darneyd Ee Laga Qabo In Dagaalku Qarxo Haddii Uusan Alle Kala Qaboojin Labada Dhinaca.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Nabadoonka Oo Dhameystiran:-
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe