Tuulada Buula-Xarboy ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan xaalad biyo la’aaneed oo aad u daran, iyadoo dadka deegaanka lagu qasbay in ay bixiyaan lacago qaali ah oo ay ku iibsadaan biyaha daruuriga ah. 20 litir oo biyo ah ayaa lagu qiimeeyaa $5, una dhiganta 135,000 oo shilinka Soomaaliga ah, dadka tuulada ayaa la tacaalaya sidii ay u heli lahaayeen baahidan aasaasiga ah.
Xaalada ayaa noqotay mid aad u cakiran oo dadka deegaanku ay bilaabeen safarro dheer oo dhib badan oo ay ku tagayaan halka ugu dhow ee biyo nadiif ah laga helayo. Guddoomiyaha Buula-Xarboy Axmed Ciise Xasan, ayaa ka hadlay arrintaas, wuxuuna ka dalbaday dowladda iyo hay’adaha kale ee awooda inay wax ka qabtaan sidii xal waara looga gaari lahaa.
“Lacagta ay dadku ku heli karaan biyaha waxay u baahan tahay in la xasiliyo,” ayuu guddoomiye Xasan u sheegay warbaahinta. “Waxaan ka codsaneynaa dowladda iyo cid kasta oo awood leh in ay qodaan ceel biyood si gurmad loo gaarsiiyo bulshadeena.
Dadka ku dhaqan tuuladaasi oo noloshoodu inta badan ku tiirsan tahay beeraha iyo xoolaha, ayaa waxaa saamayn xoogan ku yeeshay is bedelka cimilada, iyadoo abaaro iyo daadad ay ragaadiyeen nolol maalmeedkooda iyo dhaqaalahooda. Saamaynta is biirsaday ee caqabadahan deegaanka ayaa ka dhigay helitaanka biyo nadiif ah xitaa mid aad u daran.
“Abaarta iyo fatahaadda ayaa dhibaato ku keentay beerihii iyo xoolaha la tacbiyay,” ayuu yiri guddoomiye Xasan. “Magaaladu waxay noo jirtaa ilaa 10 kilomitir. Biyaha aan rabno waxay Jalalaqsi ku siisaa $5 20 litirba. Xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa inay nagu caawiso oo ceel noo qoddo”.
Dhibaatada biyuhu kaliya maaha culays dhaqaale laakiin sidoo kale waxay keenaysaa khataro caafimaad oo weyn. Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool gobolka ayaa ka cabba biyaha webiyada, kuwaas oo inta badan wasakhaysan oo aan nadiif ahayn. La’aanta helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbi karo waa walaac isa soo taraya oo u baahan feejignaan degdeg ah.
Guddoomiye Xasan ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in xal waara loo helo si loo xaqiijiyo caafimaadka iyo fayo-qabka dadka deggan Buula-Xarboy. Wuxuu ugu baaqay dowladda, NGO-yada, iyo hay’adaha caalamiga ah inay iska kaashadaan wax ka qabashada arrintan xasaasiga ah ee qodista ceelasha iyo hirgelinta nidaamka nadiifinta biyaha.
Maaddaama isbeddelka cimiladu uu sii wado inuu uga sii daro arrimahan, dadaallada la isku dubariday iyo waxqabadyada degdegga ah ayaa lama huraan u ah in la taageero dadka nugul loona dhiso adkeysiga dhibaatooyinka mustaqbalka.

