Sunday, March 23, 2025
HomeWararIran oo midowga Yurub ugu hanjabtay in ay ka baxeyso heshiiska Nukliyeerka.

Iran oo midowga Yurub ugu hanjabtay in ay ka baxeyso heshiiska Nukliyeerka.

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iraan Ayatollah Ali Khamenei,ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in ay buuxiyaan baahiyaha heshiiska Nukliyeerka ah haddii kalena ay Iraan ka baxeyso heshiiska Nurkliyeerka ah.

Ayatollah Ali Khamenei,ayaa u sheegay Midowga Yurub in Bangiyadooda ay ka shaqeeyaan Iraan islamarkaana aanay dheg jalaq u siin hanjabaad Mareykanka  ee ah in uu cunaqabateyn saarayo Iraan.

Waxaa uu sheegay in haddii Midowga Yurub Hay’adahooda Ganacsiga ay aqbalaan cadaadiska Mareykanka ay ka dhigan tahay in ay Iraan dib u billaabeyso Bacriminta Barnaamijkeeda Nukliyeerka ah si ay uga dhaliso tamarta Rayidka ah.

Hoggaamaiyaha sare ee Iraan ayaa sheegay in Iraan aysan dooneyn in dagaal ay la gasho dalalka kala ah; France, Germany  iyo Britain.

Midowga Yurub ayaa u arka heshiiska uu dhawaan ka baxay Mareykanka mid Iraan ka hor istaagaya sameysashada Hub Nukliyeer ah,halka Mareykanka uu ku tilmaamay heshiis naas nuujiyay Iraan islamarkaana aan u wanaagsaneyn Mareykanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe