Home Warar Dawladda Sacuudiga oo sheegtay inay qabatay gantaal Laga soo riday Yemen.

Dawladda Sacuudiga oo sheegtay inay qabatay gantaal Laga soo riday Yemen.

259

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay ka hortagtay Gantaal kuwa riddada dheer ah oo ay Xuutiyiinta Yemen saaka ku rideen Gobolka Jazan ee dalka Sucuudiga .

Afhayeenka Rasmiga ah ee howlgalka Sucuudiga ka wado Dalka Yemen Malik Turki ayaa sheegay in Ciidanka difaaca cirka Sucuudiga ay qabteen gantaal ay Xuutiyiinta ku rideen Gobolka  Jazan.

Waxaa uu sheegay in xalay 1:58 Daqiiqo ee AM, Xuutiyiinta ay Gobolka Sacda ee dalka Yemen ka tuureen Gantaalka,kaas oo ay Ciidanka difaaca cirka qabteen isaga oo aan wax khasaare ah geysan.

Jen Turki ayaa dowladda Iraan ku eedeeyay in ay Gantaallada riddada dheer siineyso Xuutiyiinta kuwaas oo iyana u adeegsanaya dagaalka ay kula jiraan Isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo.

Dhowr jeer  oo hore ayey  Xuutiyiinta Gantaalo ugu rideen Sucuudiga waxaana ka mid ah meelaha ay bartilmaameed sadeen xarunta Dalka Sucuudiga ee Riyaadh,Garoonka Diyaaraha ee Boqor Cabdalla iyo meelo kale.