In ka badan 60-ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgal ka dhacay gobola Baay

0
153

Hawlgal qorshaysan ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Koofur Galbeed ka fuliyeen deegaanka Ceel-dhuun oo hoos taga Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa lagu laayey maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo tiradoodu gaarayso 60-ruux.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo u dhaxay sidii loo qorsheeyey, waxaana ay bogaadisay ciidanka geesiyaasha ah ee hawlgalka qaaday.

Maleeshiyada xagjirka ah ayaa laga gubay intii hawlgalku socday Gaari iyo Bakhaar hub ugu keydsanaa, waxaana la burburiyey isku day ay ku doonayeen inay shacabka dhagar ugu maleegaan, waxaana hawlgalka lagu dilay horjoogayaal Ajaanib iyo Soomaali isugu jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here