Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka,kaas oo istaagay Bishii April ee la soo dhaafay.
Madaxa Urur Goboleedka IGAD, Abebe Muluneh, ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo sii maqnaada ay dhaawac ku tahay qorsha AMISOM ay dalka uga baxeyso.
Waxaa uu ka qeybgelayay dood Machadka ISS ee fadhigiisu yahay Addis Ababa,ka qabtay arrintan,waxaa uu xusay in Imaaraadka uu door weyn kulahaa amni soo celinta Soomaaliya.
Waxaa uu Abebe Muluneh, intaas ku daray in haddii aysan dhicin in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka aan la soo celin ay adkaaneyso fulinta qorshaha ay AMISON dalka uga baxeyso.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Imaaraadka ay door muuqda ku lahayddib u dhiska Ciidanka Soomaaliya oo tababartay Ciidan ka badan 2,000 oo Soomaali ah sidoo kalena waxaa ay bixineysay Mushaarkooda.
Waxa ay xarumo ciidan ka furtay Gobollada Puntland iyo Gobolka Banaadir,waxaana ay tababareysay Ciidanka Soomaaliya,kuwaas oo uu qorshuhu yahay in ay AMISOM kala wareegaan amniga dalka.
Waxaa uu ku baaqay in xiriirka labada dal,waliba Muqdisho ay arrintaas xoogga saarto haddii kalena howlgalka AMISOM uusan dhamaaneyn xitaa 2020-ka oo la qorsheeyay dhameyntiisa.