Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii Magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen falal lidi ku ah Ammaanka, islamarkaana xalay bambo gacmeed lagu weeraray guriga gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland.
Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Kismaayo.
Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Kismaayo
Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Kismaayo