Ciidanka maamulka Galmudug ayaa xalay Xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ka fuliyay howlgal lagula dagaallamayay kooxo burcad ah oo habeenadii lasoo dhaafay dhibaato ku hayay Shacabka kunool caasimada.
Howlgalka oo ay hogaaminayeen Taliyaha Saldhiga Dhuusamareeb G/le Maxamed mirre maxamuud, Taliyaha Nabadsugida Caasimadda Galmudug G/le Abdishakur daahir ducaalle, Taliyaha Birmadka ee Booliiska Caasimada ayaa lagu Baarayay Gaadiidka kala duwan ee isticmaala wadooyinka Xaafadaha iyo Bartamaha laamiga ee Magaalada Dhuusamareeb.
Xaafaddaha laga sameeyay howlgalka waxaa kamid ah Waaberi iyo Horseed iyadoo lagu soo qabqabtay dad laga shakiyay islamarkaana qaar kamid ah ay wateen hub sharcidaro ah oo kal hore laga mamnuucay in lagu dhex qaato Dhuuusamareeb.
Dhamme Ahmed Abdikarim Mohamed Taliyaha Birmadka Booliiska ee Magaalada Dhuusamareeb oo howlgalka kadib warbaahinta kula hadlay Gudaha Magaalada ayaa ka warbixiyay Ujeedka howlgalka islamarkaana Bulshada Caasimada ka codsaday in laamaha amniga ay gacan ka Siyaan ilaalinta nabada oo ah lafdhabarta Bulshada.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallda ka dhanka ah kooxaha burcadda ah.

