Sunday, November 8, 2026
HomeWararDibaddaHowlgal ka dhacay shabeelaha hoose.

Howlgal ka dhacay shabeelaha hoose.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysanaa oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay Xalay ka sameeyeen deegaanka Garilow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Garilow ayaa la sheegay in ciidamada ay ku dileen laba xubnood oo ka mid ah Ururka As.

Sarkaal ka tirsan ciidanka howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto  ay wateen xubnaha howlgalka la dilay, isagoona xusay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada qorsheysan oo ay ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku beegsadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda As oo haatan wajahaysa xaaladahii ugu adkaa, kadib markii looga adkaaday dagaalada isdaba jooga ah ee kaga imaanaya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe