Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaHowgal Qorsheysan oo lagula wareegay degaano ay ku sugnaayeen AS.

Howgal Qorsheysan oo lagula wareegay degaano ay ku sugnaayeen AS.

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay  howlgal ka fuliyeen deegaanno  dhowr ah oo dagaalamaayasha Al Shabaab ku sugnaayeen, waxaana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Howgalkaasi.

Howgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar a u fuliyay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad, waxaana ay ka fuliyeen tuulooyin la sheegay in ay ku sugnaayeen Al Shabaab.

Howlgalkan ayaa ciidamada si gaar ah uga sameeyeen tuulooyin ay kamid yihiin  Farag, Wargoloole, Hooyaley, Abagbeeday, iyo dudumaale oo oo katirsan gobolka Bakool, waxaana tuulooyinkaasi la sheegay in ay joogeen xubno katirsan Al Shabaab.

Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le Yuunis Aadan Xasan oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in ciidamadu la wareegeen dergaannadii howgalka laga fuliyay.

Waxaa intaas uu ku daray Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga in ciidamada sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ku sugan deegaanno iyo tuulooyin katirsan gobolka Bakool.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe