War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay saraakiisha ‘AS’ ee lagu dilay howlgallada ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle, xilalka ay hayeen & goobaha lagu beegsaday.
Dowladda ayaa sheegtay in illaa 7 xubnood lagu kala dilay Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud oo todobaadyadii u dambeeyay ay ka dhacayeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ halkaasina ay ka dhaceen iska hor imaadyo & duqeymo.
Warsaxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ayaa u qornaa:


