Tuesday, July 28, 2026
HomeWararDibaddaFaahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarax Qasaare Geystey Oo xalay Ka Dhacay Jowhar

Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarax Qasaare Geystey Oo xalay Ka Dhacay Jowhar

Waxaa soo baxay faahfaahino la xiriira qarax  ka dhacay guri ku yaal magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

 

 

Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu geystey qasaare xoog leh waxaana ku dhintey illaa shan ruux halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

 

 

Guriga qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inuu ahaa guri ay dhawaan soo degeen ciidamo deegaan ah oo ka soo jeeda galbeedka magaalada Jowhar kuwaasoo dadka ay u yaqaanaan macawisley.

Si rasmi ah looma oga nooca uu ahaa qaraxa ka dhacay  magaalada Jowhar balse wararka qaar ayaa sheegayaa inuu ka dhashay miino lagu xirey guriga.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle, hase yeeshee magaalada Jowhar oo ammaankeedu uu wanaagsanaa ayaa sidoo kale gelinkiidambe ee manta waxa ay ciidamada ATMIS qarxiyeen miino la dhigey meel waddo ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe