Home Warar Hoobiyeyaal Khasaare gaystay oo ku soo dhacay degmada Xamar Jajab

Hoobiyeyaal Khasaare gaystay oo ku soo dhacay degmada Xamar Jajab

39

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar jajab ayaa waxa ay sheegayaan in Tiro hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen nawaaxiga iskool Poluusiya Xaafddaha ku yaalla.

Dadka kunool Xaafaddaha Hoobiyeyaasha ay kusoo dhaceen ayaa waxa ay sheegeen in Shan madfac ay soo dhaceen kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu  dhacay goobahaasi.

Dad isku qoys ahaa ayaa ka mid ah dadka waxyeelada ay soo gaartay, maadaama hoobiyaha uu ku dhacay gurigooda sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhaawacmay, waxaana dadkaasi dhaawacyadooda daadgureeyay ciidanka booliska Soomaaliyeed.