Friday, April 17, 2026
HomeWararGudahaHirshabeelle oo ATMIS siisay Amar la xiriira Garoomada Diyaaradaha deegaanadeeda

Hirshabeelle oo ATMIS siisay Amar la xiriira Garoomada Diyaaradaha deegaanadeeda

DG Hir-Shabeelle & Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa kawada hadlay xoojinta Amniga Garoomada Diyaaradaha deegaannada Dowlad-Goboleedkaas maadaama ciidanka AU-da ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa Golaha Wasiirada Dowlad-Goboleedkaas la wadaagay in Howlgalka ATMIS uu kala hadlay adkeynta nabadgalyada Garoomada Diyaaradaha.

Golaha Wasiirada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa taageeray qodobkaas, waxa uu soo jeediyay golahaas in la dardargeliyo wadashaqeynta iyo dhaqangelinta xoojinta nabadgalyada Garoomada Diyaaradaha.

“Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraal laga soosaaray kulanka Wasiirada Hir-Shabeelle.

 

dhinaca kale Waxaa Maanta xiran Garoonka diyaradaha Ugaas khaliif ee Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib warqad xalay kaso baxday Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka hiiraan Cali jeyte Cismaan.

Muddo Afar Maalin ah ayuu amray Cali jeyte in wax diyaarad ah kasoo deign Garoonka magaalada Beledweyne marka laga reebo kuwa sida Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Jaadka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe